Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Hawlgalkii Dagaal ee Ciraaq oo Dhammaaday


Hawlgalkii Dagaal ee Ciraaq oo Dhammaaday
Hawlgalkii Dagaal ee Ciraaq oo Dhammaaday

Madaxweyne Obama ayaa sheegay in si rasmi ah loo soo gabagabeeyay hawlgalladii ciidamada maraykanka ee Ciraaq.

Madaxweyne Obama ayaa sidii uu ballan qaaday xalay ku dhawaaqay in si rasmi ah uu u soo dhamaaday hawlgalkii ciidamada Maraykanka ee Ciraaq, waxaana uu sidaasi ka sheegay Khudbad dhinaca Tilifishanka laga baahiyay oo uu ka jeediiyay xafiiskiisa aqalak Cad ee magaalada Washington.

Cutubyada dagaalka ee ciidanka Maraykanka ayaa kuwuudii u dambeeyay ay dalka ciraaq ka baxeen laba todobaad ka hor , hase ahaate madaxweynaha ayaa khudbadiisa ku soo beegay wakhtigii uu ku ballan qaaday in uu soo dhamayn doono dagaalka Ciraaq.

Madaxweyne Obama ayaa khudbadiisii xalay oo dadka maraykanku aad u sugayeen ku sheegay in ciidmada maraykanka ee ku suganaa Ciraaq ay si fiican u guteen hawshii loo diray, waxaana uu tilmaamay in dadka maraykanku ay wax badan u hureen dimuqraadiyadda iyo madaxbanaaida Ciraaq.

Madaxwyene Obama ayaa ka gaabsday in uu guul sheegto hase ahaate waxaa uu tilmaamay in bog cusub uu furmay.

Ku dhawaad 50 kun oo askarta maraykanka ah ayaa ku hadhi doona Ciraaq, iyada oo ay dhamaan ka soo wada bixi doonaan dhamaadka sanadka soo socda ee 2011ka.

Madawxyne Obama ayaa sheegay in hawsha cusub ee uu Maraykanku ka qaban doono Ciraaq ay tahay taageeridda iyo la talinta ciidamada ammanka ee ciraaq, iyo sdii ciidamadaas looga taageeri lahaa la dagaalanka argagxisada.

Madaxweyne Obama ayaa khudbada xalay ku sheegay in qaar ka mid ah ciidmada Ciraaq ka baxaya loo qaadi doono Afghanistan oo uu dagaalka lagula jiro Taalibaan ku dhowyahay in uu toban jirsado.

Madaxweyne Obama ayaa sheegay in hadda ka dib awoodda la saari doono dib u soo noolaynta dhaqaalaha maraykanka, iyo soo celinta malaayin fursado shqo oo ku lumay hoos u dhacii dhaqaale ee maraykanka Saameeyay.

Gees Kale Cawil Cismaan Baxnaan oo ka mid ahaa Soomaalida la soo shaqaysay Ciidmada maraykanka ee Ciraaq ayaa VOAda uga warramay sida ay dadka reer Ciraaq u arkayaan bixitaanka ciidamada Ciraaq, Cawil waxa uu sidoo kale ka warramay waxyaabihii uu kala kulmay intii uu la shaqaynayay ciidmada Maraykanka ee Ciraaq.

Warbixin iyo waraysi arrintaasi ku saabsan ka dhegayso qaybta hoose ee boggan.

XS
SM
MD
LG