Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Obaama oo u Digay Qaddaafi


Obaama oo u Digay Qaddaafi
Obaama oo u Digay Qaddaafi

Madaxweynaha Maraykanka ayaa uga digay Qaddaafi tallabo milatari, haddii uu joojin waayo hawlgalada milatari ee rayidka lala beegsanayo.

Obama ayaa sidaasi ku sheegay mar uu Jimcihii saxaafadda kula hadlay Aqalka Cad ee magaaladan Washington.

Madaxweyne Obama ayaa sheegay in xoghayaha arrimaha dibadda ee Maraykanka Clinton ay Sabtida gaadhi doonto magaalada Paris si ay isugu-dubarido shir caalami ah oo ku saabsan arrinta Liibiya.

Maraykanka ayaa ka digay in ay kumanaan dad rayid ah dhimanayaan haddii aan Qaddafi ciidankiisa ka joojin magaalooyinka ay ku awood badanyihiin mucaaradku.

Madaxweyne Obama ayaa sheegay in Maraykanku aanu ciidan u diri doonin Liibiya hase ahaate uu taageeri doono xulufadiisa si loo dhaqan galiiyo xayiraadka dhinaca hawada ee lagu soo rogay Liibiya.

XS
SM
MD
LG