Isku xirrada

War

Nuur Cadde oo Ka Hadlay Heshiiska Talyaaniga


Nuur Cadde oo Ka Hadlay Heshiiska Talyaaniga

Nuur Cadde oo Ka Hadlay Heshiiska Talyaaniga

Danjiraha Somalia u fadhiya Talyaaniga Nuur Cadde ayaa faahfaahin ka bixiyay heshiiska dhexmaray DKMG iyo talyaaniga.

Danjire Nuur Xasan Xuseen oo waraysi gaar ah siiyay laanta af soomaliga ee VOAda ayaa shaaca ka qaaday in heshiiskii ay kala saxeexdeen DKMG iyo Talyaaniga uu yahay heshiis muujinaya in beesha caalamku u soo jeedsatay wax ka qabashada xaaladda Somalia.

Nuur Cadde ayaa sheegay in heshiiskan ka duwanyahay kuwiika horeeyay iska oo sida uu tilmaamay u qoran si cad, waxaana uu tilmaamay in heshiiskan u ku soo beegmay wakhti xasaasi ah.

Safiirka ayaa faahfaahin ka bixiyay qodobada heshiiska waxaana uu xaqiijiyay in talyaaniga ay ka go'antahay in uu dib u furo safaardii uu ku lahaa caasimadda Muqdisho.

XS
SM
MD
LG