Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Ciidamada Turkiga oo Galay Dalka Ciraq


Miltariga Turkiga ayaa dhinaca dhulka ku galay waqooyiga Ciraaq Talaadadii shalay, markii ugu horeysay tan iyo sanadkii 2011kii, iyagoo fulinayay howlgal ay saraakiisha Turkigu ku tilmaameen, howlgal muddo kooban soconaya oo ay ku ugaarsanayaan falaagada Kurdiyiinta ee PKK.

Turkiga ayaa ku eedeeyay falaagadan inay ka dambeysay weeraro bambaanooyin wadada dhinaceeda la dhigay loo adeegsaday oo Axaddii iyo Talaadadii shalay ay ku dhinteen 16 ka mid ah milatariga dalkaas iyo 14 boolis ah

Iyagoo aan faahfaahin badan bixin ayaa saraakiisha Turkigu waxey sheegeen in ciidamadoodu ay guaha u galeen Ciraaq iyagoo baacsanaya xubno ka tirsan xisbigan oo Turkiga laga mamnuucay.

Jabhadda PKK ayaa dagaal kula jirtay Turkiga tan iyo sanadkii 1984tii, waxaana colaadda labada dhinac ku dhintay tan iyo markaa -dad lagu qiyaasayo 40 kun oo qof.

XS
SM
MD
LG