Isku xirrada

War

North Corolina: Duufaan Laga Cabsi Qabo


Kumanaan Kun oo degan deegaamada xeebaha xiga ee gobolka North Carolina waxaa la bilaabay in la daadgureeyo.

Cabsi xoog leh ayaa ka jirta gobolka North Carolina, ka dib markii la sheegay inay aad ugu soo dhowaatay duufaanta Earl.

Waxaana digniin loo jeediyay dadka degan xeebaha gobolkaasi oo loo sheegay inay feejignaadaan. Dad badan ayaa laga daadgureeyay goobihii ay ka deganaayeen dhanka xeebaha ee gobolkaasi.

Soomaalida ku dhaqan gobolka North Carolina ayaa ka mid ah dadka aadka u feejigan, iyadoona la sheegay dadka qaarkii inay bilaabeen inay ka baxaan gobolkaasi. C/rashiid Cali Yuusuf oo ka mid ah jaaliyadda Soomaalida ee gobolka North Carolina ayaa VOA-da uga sheekeeyay sida ay u jirto cabsida la xiriirta duufaanka Earl.

XS
SM
MD
LG