Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Nin Sitay Jaakadda Qaraxa oo La Qabtay


Shalay Taliska Ciidanka Xoogga Somaliya ayaa Maxkamada ciidamada iyo laamaha amaanka ku wareejiyay wiil dhalinyara ah oo sitay jaakad kuwa isqarxinta loo adeegsada ah oo ay soo qabteen.

Wiilkan oo sheegay inuu ka tirsanaa kooxda Al-shabab ayaa markii maxkamadda lagu wareejinayay magaciisa ku sheegay C/raxman Cali Cantoob.

Hadaba wareysiyo aan la yeelanay Qaliif Cali Nuur oo Darawal u ah Abaan duulaha ciidanka Xoogga dalka Somaliyeed oo lahaa sababta lagu soo qabtay wiilkan iyo Abaanduulaha Ciidammada Xoogga Dalka Soomaaliyeed General C/kariin Yuusuf Aadan (Dhegabadan) oo aan isna ka wareysanay halkan hoose ee qoraalka ka dhageyso.

Wareysiga waxaa ku horeynaya Qalif Cali Nuur, waxaana ku xiga Gen: Dhega badan.

XS
SM
MD
LG