Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Nin Loo Qabtay Weeraro Ka Dhacay Mombasa


Wararka ka imaanaya Mombasa ee dalka Kenya ayaa sheegaya in mid ka mid ah dadkii ku dhaawacmay weerar habeenkii talaadada lagu qaaday goob lagu caweeyo uu ka ahaa dadkii weerarka geystay .

Madaxa Boolsika Mathew Iteere ayaa sheegay in qofka la tuhmayo lagu sheegay nin la doon doonayay oo mar walba ka iman jiray xaafadda la yirahdo Kibera ee magaalada Nairobi.

Booliska ayaa sheegay in ninka la tuhunsanyahay oo dhaawaciisa la geeyay Cusbitalka jeekiisa laga helay Tikit bas oo uu doonayay inuu ugu socdaalo Nairobi wax yar ka dib marka uu weerarka fuliyo.

Laba qof ayaa ku dhimatay, ugu yaraan 5 kalana dhaawac ayaa ka soo gaaray ka dib markii nin ku hubeysan uu weerar ku qaaday goobta lagu caweeyo.

Ninka weerarka soo qaaday ayaa la sheegay inuu ku hubeysnaa qori iyo bambo gacmeedyo goobtana uu ka baxsday ka dib markii uu rasaas iyo bambaanooyin huwiyay goobtaasi. Xaaji Mursal Quulle oo ka tirsan wariyayaasha idaacadda Iqra ee magaalada Nairobi ayaa VOAda uga waramay.

Wareysiga oo maqal ah halkan hoose ka dhageyso

XS
SM
MD
LG