Isku xirrada

War

Nin Kenya ah oo Qirtay Mas'uulliyada Qaraxii Nairobi


Nin Kenya ah oo Qirtay Mas'uulliyada Qaraxii Nairobi

Nin Kenya ah oo Qirtay Mas'uulliyada Qaraxii Nairobi

Nin u dhashay Kenya ayaa qirtay inuu ka dambeeyey mid ka mid ah labadii bambo gacmeed ee toddobaadkan lagu weeraray Nayroobi.

Ninkan oo lagu magacaabo Elgiva Bwire Oliacha waxaa uu maxkamadda horteedda ka sheegay inuu xubin ka yahay ururka Al-Shabaab ee dalka Somalia.

Ninkan wuxuu qirtay dacwad ah gaysasho dhaawac jidhka ah iyo eedo kale oo la xiriirra weerarka bambada ah ee lagu qaaday goob basaska laga raaco Isniintii. Weerarka waxaa ku dhintay hal qof, waxaana ku dhaawacmay siddeed kale.

Booliisku waxay sheegeen inay Mr Oliacha xireen gelinkii dambe ee Talaadadii shalay, ayna qabteen hub iskugu jira 13 bambo gacmeed, laba qoryaha boobayaasha ah iyo afar barstooladood.

Al-Shabab ayaa ka digtay inay qaadi doonto weerarro gudaha Kenya ah oo ay kaga jawaabayaan faragelinta milatariga Kenya ee Koonfurta Soomaaliya.

XS
SM
MD
LG