Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Muqdisho: Nin Britain Ah oo Lagu Qabtay Airporka


Ciidamada Nabad sugidda ee DKMG ah ayaa duhurnimadii maanta ku qabatay garoonka Aden Cade International Airport ee Magaalada Muqdisho nin sita passportka dalka Britain, ninkan ayaa la qabtay markii la ogaaday inuusan sidan Dal ku galka ay dadka Ajnabiga ah siiyaan waaxda Socdaalka ee DKMG ah.

Taliyaha Hogaanka Baarista Dambiyadda DKMG ah ee marka magaceeda la soo gaabiyo la yirahdo CID, Gaashaanle Sare Cabdullaahi Xassan Bariise ayaa VOAda u sheegay in ninkan la qabtay markii ay ka shakiyeen oo ay ka baareen.

Ninkan oo magaciisa lagu sheegay Dennis Clive ayuu Mr. Bariise da’diisu ku qiyaasay inta u dhaxeeysa 45- ilaa iyo 50 jira, madow ah.

Ninkn ayaa shalay soo gaaray sida uu u sheegay laanta baarista ee DKMG Magaalada Nairobi isagoo ka soo tagay magaalada London.

Taliyaha ayaa sheegay in ninkan uu markii hore sheegay hadalo isburinaya ayaa markii ay baareen waxa ay ku ogadeen inuusan aqoon afka Carabiga iyo qur’aanka, waxaana uu u sheegay baarayaasha inuu ku sii jeeday magaalada Kismayo ee Koonfurta Somalia si uu halkaasi uga qeyb qaat sida hadalka uu u dhigay howlaha islaamiga ah ee ka socda.

Taliyaha hogaanka socdaalka iyo jinsiyadaha ee DKMG ah General C/laahi Gafow Maxamud ayaa isna qaar ka mid ah warbaahinta ugu sheegay Garoonka Muqdisho in markii ay baareen boorso uu watay ninkan ay ka dhex heleen, waxyaabo ay tuhmeen oo ay ka mid yihiin xarkaha dadka lagu merjiyo, xanjada lagu yareeyo sigaar cabidda, cararka loo yaqaab creditka, mindiyo yar yar iyo xashiishad.

Taliyaha waxa kaloo uu sheegay in weli baaritaanka uu socda ayna soo bandhigi doonaan marka uu soo gabagaboobo wixii tafaasiil ah ee dheeri ah ee ay ku ogaadaan baaristooda

XS
SM
MD
LG