Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Martida Makarafoonka & Maaxaay


Abdi Muse Maahaay
Abdi Muse Maahaay

Cabdi Muuse Maaxaay waa samafale u ololeeya carruurta qaba cudurrada lagu daweyn waayay gayiga Somalia, kuwaas oo uu keeno dalkan Mareykanka.

Barnaamijka Martida Makarafoonka, waxaa toddobaadkan marti noogu ah Cabdi Muuse Maaxaya, oo ah samafale u dooda, una ololeeya carruurta xanuunsan ee Somalia. Dhowrkii sano ee lasoo dhaafay, Cabdi Muuse Maaxaay, oo ku nool magaalada Rochester ee gobolka Minnesota, ayaa dalkan Mareykanka wuxuu dawo ku keenay dhowr carruur ah, oo qabay cudurro lagu daweyn waayey gudaha Somalia.

Qaar kamid ah carruurta uu keenay waxaa kamid ah gabar yar oo la fara-xumeeyey iyadoo 7-jir ah. Gabadhaas ayaa waxaa isku furmay xubnaha laga kaadiyo lagana saxaroodo. Gabadhaas waxaa lagu daweeyey isbitaalka Mayo Clinic ee gobolka Minnesota, oo lagu tiriyo inuu kamid yahay isbitaallada ugu wanaagsan dunida.

Cabdi Muuse Maaxaay ayaa sii laba jibbaaray ololihiisa, dhowrkii bilood ee lasoo dhaafay.

Midigta sare ee boggan ka dhageyso wareysiga aan la yeelannay Cabdi Muuse Maaxaay.

La Xiriira

XS
SM
MD
LG