Isku xirrada

War Deg-Deg ah

New York: Xayiraadda Hubka Soomaaliya


New York: Xayiraadda Hubka Soomaaliya
New York: Xayiraadda Hubka Soomaaliya

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa cusbooneysiiyay qaraarka 733 ee ka mamnuucaya Soomaaliya in hub la geeyo.

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa soo saaray qaraar cusbooneysiinaya qaraarkii xayiraadda hubka Soomaaliya ee tirsigiisu ahaa 733. Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa go'aankaasi uu gaaray ka dib markii ay ka doodeen xaaladda dalka Soomaaliya.

Qaraarkan qabyada ah oo ka kooban 5 qodob waxaa soo diyaariyay Britain iyo Waqooyiga Ireland, kuwaasoo ugu horreyn qaraarkooda ku sheegay in la adkeeyo dhammaan dalalka adduunka mas'uuliyadda ka saaran inay u hoggaansamaan qaraarka 730 oo ka mamnuucaya Soomaaliya in la geeyo nooc kasta oo hub ah amma qalabka militariga.

Waxaana arrintaasi lagu xoojiyay qaraar kale oo lagu sii adkeynayo cuno qabateynta hubka Soomaaliya, kaasoo isna tirisigiisu ahaa 1844, kaasoo la soo saaray sanadkii 2008-dii.

Waxaa kaloo ay sheegeen inay waajib tahay in la xaqiijiyo mas'uuliyadda dhinacyada kala duwan ka saaran ilaalinta xeerarka caalamiga ah ee hay'adaha gargaarka ee Soomaaliya ka hawlgala.

Go'aanka Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay uu gaaray ayaa ku soo beegmay xilli ay Muqdisho ka socdaan dagaalo culus oo u dhaxeeya dowladda KMG ah oo kaashanaya ciidamada AMISOM iyo xoogagga mucaaradka ee al-Shabaab.

Waxaana siyaasiyiin Soomaaliyeed ay ka digayaan in uu yimaado isqabqabsi siyaasadeed, iyadoo uu soo dhow yahay xilliga kala guurka.

Ismaaciil Maxamuud Hurre (Buubaa) oo horey u ahaa wasiirka arrimaha dibadda ee dowladda KMG ah oo ku sugan magaalada Nairobi ayaa VOA-da u sheegay in la gaaray xilligii dadka Soomaaliyeed ay xisaabtami lahaayeen oo ay taladooda u dhiiban lahaayeen dadkii wax u qaban lahaa, Siyaasaddana wax laga beddelaa.

XS
SM
MD
LG