Isku xirrada

War Deg-Deg ah

New York: Taageero loo Raadinayo DKMG


New York: Taageero loo Raadinayo DKMG
New York: Taageero loo Raadinayo DKMG

Shiinaha oo haya madaxtinimada Kaltanka ee Golaha Ammaanka ayaa doonaya in wax la dhiiri geliyo dowladda KMG ah.

Dalalka Shiinaha iyo Ruushka ayaa weydiisanaya Qaramada Midoobay inay wax ka qabato halista burcadbadeedda ee ka jirta xeebaha Soomaaliya, ayna dhiirigeliso sidii looga guuleysan lahaa kooxda ku kacsan dowladda KMG ah ee iyagu maamula, qeybo ballaaran oo ka mid dalka iyo magaalada caasimadda ah ee Muqdisho.

Shiinaha oo haya guddoonka kaltanka ah ee Golaha Ammaanka ayaa lagu wadaa inuu guddoomiyo kulan khamiista berri ah uu yeelan doono Golaha Ammaanka, isagoo ka doonaya 15 xubnood ee Golaha inay meel mariyaan qorshe ballaaran oo lagula dagaallamo burcadbadeednimada iyo kooxda al-Shabaab.

Qaraar qabyo ah ayay dowladda Shiinuhu ugu baaqday dowladda KMG ah inay dhiirigeliso wadahadal siyaasadeed. Waxayna kaga codsatay Qaramada Midoobay inay taageero ballaaran u fidiso 8,000 ee askarta nabad ilaalinta Midowga Afrika ee caawinaya dowladda KMG ah.

Ruushka ayaa si gaar ah u soo diyaariyay qaraar qabyo ah oo ugu baaqaya Qaramada Midoobay in la dhiso saddex maxkamadood oo lagu qaado kiisaska burcadbadeednimada, iyo sidoo kale labo xabsi oo lagu xiro burcadbadeedda dambiga lagu helo.

Madaxweynaha Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa sheegay in kooxaha ay dagaalka kula jiraan ay qarka u saaran yihiin burbur, iyadoo ciidamada dowladda taageersan ay sii wadaan dagaalka ka dhanka ah dagaalyahaniinta al-Shabaab.

XS
SM
MD
LG