Isku xirrada

War Deg-Deg ah

New York: Shirka QM ee arrimaha Somalia.


New York: Shirka QM ee arrimaha Somalia.
New York: Shirka QM ee arrimaha Somalia.

Diblomaasiyiin ka tirsan beesha caalamka ee ka qeybgalay shir looga hadlayay arrimaha Soomaaliya ayaa dowladda KMG ah ugu baaqay inay midowdo.

Shir gaar ah oo uu so agaasimay xoghayaha guud ee Qaramada Midobay Ban Ki-moon, loogana hadlayay arrimaha Soomaaliya ayaa shalay lagu qabtay xarunta Qaramada Midoobay ee magaalada New York ee dalkan Maraykanka.

Shirkaasi oo ay ka soo qeybgaleen diblomaasiyiin ka kala socota ilaa 40 dal ayaa waxaa looga hadlay khatarta ka jirta dalka Somalia iyo waliba sida wax looga qaban karo khatartaasi, sidoo kalena loo taageeri karo dowladda KMG.

Madaxweynaha dowladda KMG ah ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo kulankaasi ka qeybgalay ayaa diblomaasiyiinta shirkaasi fadhiday warbixin ka siiyay xaaladda Soomaaliya.

Gabagabadii shirkaasi ayaa waxaa laga soo saaray war-murtiyeed ku aadan dalka Soomaaliya. Waxaana diblomaasiyiintu ugu baaqeen madaxda dowladda KMG ah inay xaliyaan khilaafkooda isla markaana ay muujiyaan midnimo. Waxaa kaloo dowladda loogu baaqay in wakhtiga u haray ay ku dadaasho sameynta dastuurka Soomaaliya.

XS
SM
MD
LG