Isku xirrada

War Deg-Deg ah

New York: Khubaro ka Hadlaysa Xagjirnimada Somalia


Shir lagaga hadlayo kooxaha xagjirka ah ee Somalia iyo sida Maraykanku ula tacaalo ayaa maanta ka bilaabanaya New York

Professor Kenneth Mankhaus oo culuumta siyaasada ka dhiga jaamacada Davidson College ee ku taalla gobolka North Carolina ee dalka Maraykanka ayaa sheegay in laga yaabo in dadaalka la dagaalanka argagagixasada ee ay maraykanka iyo Ethiopiaba ku doonayeen in ay ku wiiqaan amaba ay ku jabiyaan kooxaha xagjirka ah ee dalka Somalia uu yeeshay ujeedadii laga lahaa mid aan ahayn oo uu siiba xoojiyay kooxahaasi

Laakiin Professor Kenneth Mankhaus, waxaa uu sheegay inuu soo dhawaynayo Ethiopia iyo Maraykanka oo wax ka bedelay siyaasadahoodii ku aadaanaa dalka Somalia oo ay iminka yaraynayaan saamaynta debedda kaga imanaysa arimaha Somalia, taasoo uu sheeggay in ay mararka qaarkood ugaba sii darto xagjirnimada ka jirta dalka Somalia.

XS
SM
MD
LG