Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Burcad-Badeed Xukun lagu Ridday


Burcad-Badeed Xukun lagu Ridday
Burcad-Badeed Xukun lagu Ridday

Maxkamad ku taalla Maraykanka ayaa 33 sano iyo 9 bilood oo xabsiya ku ridday C/Walli Muse oo ahaa burcad-badeedii afduubtay markab Maraykan ah

Maxkamad ku taalla Maraykanka ayaa 33 sano iyo 9 bilood oo xabsi ah ku xukuntay burcad-badeed Soomaali ah oo lagu helay danbi la xiriira afduub loo geystay markab xamuul oo Maraykanku lahaa oo marayay biyaha badweynta Hindiya.

Burcad-badeedkan oo lagu magacaabo Cabdiwali Cabdiqaadir Muuse ayaa wuxuu bishii May ee sanadkii hore qirtay danbigaasi afduubka ah.

Dacwad-oogayaasha ayaa sheegay in C/wali uu hormuud ka ahaa koox burcad-badeed ah oo si kooban u afduubatay markabka maersk alabama oo Maraykanku lahaa iyo shaqaalihii saarnaa. Dacwad-oogayaashan waxay maxkamadda weydiisteen in C/wali lagu xukumo 35 sano oo xadhig ah, laakiin qareennada difaacayay C/wali ayaa iyagu dalbanayay 27 sanadood oo xadhig ah.

C/wali C/qaadir oo laga turjumayay ayaa wuxuu qirtay in afduubkii uu sameeyay uu ahaa mid khaldan oo uu ka xun yahay.

C/wali C/qaadir ayaa ah qofka kaliya ee ka nool afar burcad-badeed Soomaali ah oo afduubka markabkaasi geystay, waxaana saddexdii kale toogasho ku dilay ciidamada badda ee Maraykanka oo iyagu soo furtay kabtankii markabkaasi.

XS
SM
MD
LG