Isku xirrada

War

Nato oo Askar Looga Dilay Afghanistan


Askar ka tirsan ciidmada amaanka ee dalka Afghanistan ayaa sadex ka mid ah ciidamada Isbaheysiga Nato ee ku sugan dalka Afghanistan, ku dilay isniintii shalay laba dhacdo oo kala duwan.

Astarka Nato laga dilay ayaa lagu sheegay laba askari oo u dhalatay dalka Britain iyo hal Askari oo Mareykan ah.

Saraakiisha Nato ayaa sheegay in dhacdada hore lagu ka mid ah askarta Britishka lagu toogtay, saldhig ay NATO ku leedahay degaanka la yirahdo Lashkar Gah, oo dhaca koonfurta Gobolka Helmand .

Askarigii weerarka geystay oo xiraa dareeska ciidamada Afghanistan ayaa waxaa toogasho ku dilay ciidamo ku sugnaa saldhiga oo rasaas ugu jawaabay.

NATO waxey sheegtay in askari kale oo u dhashay dalka mareykanka uu toogtay akari ka tirsan ciidama booliska degaanka ee Afghanistan, kaasoo rasaasta ku furan ciidamada mareykanka mar ay ku soo dhawaadeen bar control:

Ciidamada Afghanistan iyo kuwa Isbaheysiga ayaa baaraya, sababaha dhaliyay labada weerar

Saraakiisha Mareykanka ayaa sheegay in ugu yaraan 42 weerar ay ciidamada Afganistan u geysteen, ciidamada ay wada shaqeeyaan ee Nato, tan iyo sanadkii 2007dii.

Xoghayaha difaaca ee Mareykanka Leon Panetta ayaa sheegay Isniintii shalay in kastoo ay jiraan dilalka is xig xigay ee loo geeysanayo ciidamada nato, hadana aysan weerarada noocaasi ah aysan ka weecineyn gaarista hadafkooda oo ah ku wareejinta maamulka amaanka ee dalkaasi ciidmada Afghanistan.

XS
SM
MD
LG