Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Hargeysa oo Samaafaro Laga Hirgaliyay


samaafaro
samaafaro

Magaalada Hargeysa waxaa ku soo kordhaya gaadiidka xilli wali ay kooban yihiin jidadku taasi oo keentay in dadweynaha culays xoogan kaga yimaado saxmada gaadiidka iyadoo xilliyada qaar uu hakad galo isu socodka gaadiidka gudaha magaaladu.

Dowladda hoose ee Hargeysa ayaa si culayskaasi loo yareeyo magaalada ka hirgalisay nalalka kala haga gaadiidka, kuwaas oo hadda tijaabo ku jira.

Duqa magaalada Hargeysa Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid, ayaa VOA u sheegay in ay wacyi galin u sameynayaan muddo 10 cisho ah gaadiidleyda isticmaala magaalada, wixi makaasi ka dambeyana ay ganaax dul dhigi doonaan cid kaste oo ku xad gudubta sharciga nalalka kala haga gawaarida.

Nalalkan oo ku shaqeeya cadceedda qoraxda, ayaa hadda laga hirgaliyay illaa iyo lix isgoys oo magaalada Hargeysa ku yaalla.

Muddo dhowr sano ka hor, ayaa mar la damcay in magaalada laga sameeyo nalalka kala haga gawaarida, laakiin maysan noqon kuwa raagay, hasa yeeshee hadda duqa Hargeysa waxa uu rajo ka qabaa inaysan joogsan shaqada nalalkan.

Dhageyso wareysiga duqa Hargeysa Md. Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid.

Wareysi duqa Hargeysa
please wait
Embed

No media source currently available

0:00 0:04:00 0:00


XS
SM
MD
LG