Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Nairobi: Tababar ku saabsan Halista Aidska iyo Gudniinka


Nairobi: Tababar ku saabsan Halista Aidska iyo Gudniinka
Nairobi: Tababar ku saabsan Halista Aidska iyo Gudniinka

Tababarkan oo lagu qabtay xaafadda Eastlight ee magaalada Nairobi ee dalka Kenya waxaa ka qeybgalay rag iyo dumar.

Hay'adda Dialogue Foriegn ayaa magaalada Nairobi ku qabatay tababar ku saabsan halista cudurka HIV/Aids iyo gudniinka fircooniga.

Madaxa hay'adaasi Maxamed Cali Xasan ayaa VOA-da u sheegay in hay'adan ay sameeyeen qurbo joog ku kala sugan Netherland, Norway iyo Denmark, waxaana fadhigeedu uu ku yaalla dalka Netherland (Holland).

Wuxuu sheegay in ujeedada tababarku ay ahayd in laga wacyigeliyo ragga iyo dumarka halista cudurka Aidska iyo gudniinka fircooniga.

Waxa uu sheegay in seminaarkaasi dhinacyo badan lagaga falanqooday oo ay ka mid yihiin diinta, dhaqanka, iyo caafimaadka oo ay markaasi seminaarka ay casharo ka jeediyeen dhinacyada aqoonyahanno ku takhasusay dhinacyadaasi.

XS
SM
MD
LG