Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Nairobi: Shirkii la Tashiga oo Furmaya


Nairobi: Shirkii la Tashiga oo Furmaya
Nairobi: Shirkii la Tashiga oo Furmaya

Shrirka wadatashiga waxaa ka qeybgelaya dhinacyo ka socda Soomaalida oo ay ka mid yihin baarlamanka iyo maamul goboleedyada.

Magaalada Nairobi ee dalka Kenya waxaa ku sugan qeybo kala duwan oo Soomaalida, si ay uga qeybgalaan shir ku saabsan wadatashiga Soomaaliya oo uu martigelinayo Ergayga gaarka ah ee Xoghahaya Guud ee Qaramada Midoobay ee Arrimaha Soomaaliya, Agustine Mahiga.

Shirkan la tashiga Soomaalida oo furmi doona maalinta berri ee Talaadada ah waxaa looga hadli doonaa arrimaha Soomaaliya, waxaana ka qeybgalaya dhinacyo kala duwan oo Soomaalida ka socda.

Dhinacyada shirkaasi ka qeybgelaya waxaa ka mid ah wafdi ka socda baarlamaanka KMG ah oo uu hogaaminayo guddoomiyaha baarlamaanka Shariif Xasan Sheekh Aadn, wafuud ka socota Maamul goboleedyada Gal-Mudug iyo Puntland oo ay hoggaaminayaan madaxdooda iyo wakiillo ka socda ururka Ahlu-Sunna Waljamaaca.

XS
SM
MD
LG