Isku xirrada

War

Nairobi: Shirka QM iyo Soomaalida


Nairobi: Shirka QM iyo Soomaalida

Nairobi: Shirka QM iyo Soomaalida

Golaha amniga ee Qaramada midoobay ayaa kullamo Nairobi kula qaatay qaar ka tirsan madaxda Soomaalida oo ay ka mid yihiin kuwa DKMG

Wafdiga ka socda Golaha amniga ee Qaramada midoobay ayaa maanta magaalada Nairobi ku qaabilay madaxda dowladda KMG ee Somalia, oo ay ka mid yihiin madaxweynaha, raisal-wasaaraha iyo guddoomiyaha baarlamaanka.

Xildhibaan C/raxmaan C/shakuur Warsame ayaa VOA u sheegay in kulankaasi uu golluhu kala hadlay madaxda Soomaalida, xaaladda Somalia iyo waliba muranka ka dhextaagan DKMG.

Xildhibaan C/raxmaan, wuxuu xusay in dhinacyada iskhilaafsan ee DKMG ay kulankaasi ka soo jeediyeen warbixinno la xiriirra sida ay u arkaan xaaladda Somalia iyo sida looga bixi karo xilliga kala guurka ee bisha August.

Golaha amnigu waxay sidoo kale kulamo gooni-gooni ah la qaateen madaxda maamul-goboleedyada Puntland iyo Galmudug iyo waliba wasiirro ka socda Somaliland.

Golaha amniga ayaa lagu wadaa caawa fiidkii inay war-saxaafadeed ka soo saaraan xaaladda Somalia iyo waliba natiijooyinka kulamadii ay maanta la qaateen madaxda Soomaalida.

XS
SM
MD
LG