Isku xirrada

War

Nairobi: Faah faahin ku saabsan Shirka

  • Sahra Abdi

Nairobi: Faah faahin ku saabsan Shirka

Nairobi: Faah faahin ku saabsan Shirka

Hogaamiyeyaasha ergada Soomaalida ee ka qeybgalaysa shirka wadatashiga ee magaalada Nairobi ayaa hadallo halkaasi ka jeediyay.

Dhinacyada Soomaalida ee shirka uga furmay magaalada Nairobi ayaa khudbadihii ay halkaasi ka jeediyeen waxaa ay kaga hadleen faah faahin ku saabsan waxqabadka deegaamada ay ka yimaadeen.

Madaxweynayaasha Puntland iyo Galmudug oo shirkaasi ka hadlay waxay kaga hadleen sida ay wax uga qabteen ammaanka iyo waxa ay hiigsanayaan mustaqbalka.

Madaxweynaha Puntland Cabdiraxmaan Faroole ayaa shirka ka sheegay inay dhaliilsan yihiin tirada baarlamaanka.

Wuxuu kaloo ka hadlay wadashaqeyn la'aanta kala dhaxeysa dowladda federaalka.

Guddoomiyaha baarlamaanka Shariif Xasan Sheekh Aadan oo aan saxaafadda la hadlin ayaa si gaar ah wariyaha VOA-da Sahro Cabdi Axmed ugu sheegay in uu shirka kaga hadlay sidii beesha caalamka ay ugu qancin lahaayeen muddo kororsiga baarlamaanka.

XS
SM
MD
LG