Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Nabadeyn ka Bilaabatay Deegaanada Buuhoodle ku Dhow


Nabadeyn ka Bilaabatay Deegaanada Buuhoodle ku Dhow
Nabadeyn ka Bilaabatay Deegaanada Buuhoodle ku Dhow

400 oo ergay ayaa iskugu yimid deegaanada Qurulugud, Kalshaale, iyo Maygaagle si ay nabad uga dhex dhaliyaan beelo halkaas ku dagaalamay

Qiyaastii 400 oo ergay ayaa iskugu yimid deegaanada Qurulugud, Kalshaale, iyo Maygaagle si ay nabad uga dhex dhaliyaan beelo halkaas ku dagaalamay.

Maalintii Ciidda Arafo ayaa dagaal u dhexeeya dadka deegaanku ka bilowday baliga Kalshaale, dagaalkoos oo keenay dhimasho iyo dhaawac.

Ergadaas deegaanka iskugu timid ayaa, illaa iyo hadda, ku guuleystay inay jawi nabadeed abuuraan, iyagoo hadda wajigii hore ee nabada soo gunaanaday, haddana u tabaabulsheysanaya wajigii xigey ee nabada.

Wararku waxay intaasi ku darayaan in nabadeynta ay dumar Soomaaliyeed iyaguna ka qeyb qaadanayaan.

Warka oo dhameystiran, hoosta ka dhageyso.

XS
SM
MD
LG