Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Boosaaso: Saddex Qof ayaa la Dilay


Boosaaso: Saddex Qof ayaa la Dilay
Boosaaso: Saddex Qof ayaa la Dilay

Labo nin oo ka tirsan ganacsatada Puntland iyo oday nabaddoonada ka tirsan ayaa xalay iyo habeen hore lagu dilay magaalada Boosaaso.

Maamulka Puntland ayaa xaqiijiyay in xalay iyo habeen hore lagu dilay magaalada Boosaaso labo nin oo ganacsato ah iyo oday ka tirsanaa nabaddoonada Puntland.

Habeenkii ay Talaadada soo gelaysay waxaa la dilay Cabdinuur Saalax Dhiidax oo ka mid ahaa ganacsatada xoolaha, halka habeen hore ee isniinta soo geleysayna la dilay Cabdisalaam Aw-Cismaan Aw-Maxamed oo ganacsade ahaa iyo Shire Siciid Maxamed oo nabaddoon ahaa.

Wasiirka amniga gudaha ee Puntland, Jeneral Yuusuf Axmed Kheyr ayaa VOA u sheegay in dilalkaasi ay salka ku hayaan aano qabiil, lana garanayo raggii ka dambeeyay.

XS
SM
MD
LG