Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Sawirrada Ninkii Isku Gubay Hargeysa


Jihaad Maxamed waa qaxooti Yemeni ah oo isku gubay Hargeysa
Jihaad Maxamed waa qaxooti Yemeni ah oo isku gubay Hargeysa

Idaacadda VOA-da, ayaa xog xog dheeri ah ka heshay nin Yemeni ah shalay isku horgubay xarunta xafiiska QM u qaabilsan qaxootiga ee UNHCR ee magaalada Hargeysa.

Ninkan oo ah qaxooti ka yimid dalka Yemen, ayaa waxaa lagu magacaabaa Jihaad Maxamed, waana 25 jir kaligiis ah, oo aan wax ehel la socon.

Weriyaha VOA-da ee magaalada Hargeysa Barkhad Kaariye ayaa Jihaad ku booqday isbitalka uu kaga jiro magaalada Hargeysa, halkaasi oo uu sawiro kaga soo qaaday.

Waxa uu sidoo kale wareystay Nabiil Saalim oo ah afhayeenka qaxootiga Yemen ee Somaliland, oo sheegay in sababta uu Jihaad isku gubay ay tahay daryeel la’aan ay hasata.

Hoos ka dhageyso warbixinta, kana daawo sawirrada.

Yemeni isku gubay Hargeysa
please wait

No media source currently available

0:00 0:03:36 0:00

Jihaad Maxamed waa qaxooti Yemeni ah oo isku gubay Hargeysa
Jihaad Maxamed waa qaxooti Yemeni ah oo isku gubay Hargeysa

Jihaad waxa uu isku gubay daryeel la'aan haysata darteed
Jihaad waxa uu isku gubay daryeel la'aan haysata darteed

Dabka ayaa inta badan ka saameeyey qeybta hoose ee jirkiisa
Dabka ayaa inta badan ka saameeyey qeybta hoose ee jirkiisa

XS
SM
MD
LG