Isku xirrada

War Deg-Deg ah

M/weyne Shariif oo ka Hadlay Dibadbaxyada


M/weyne Shariif oo ka Hadlay Dibadbaxyada
M/weyne Shariif oo ka Hadlay Dibadbaxyada

Madaxweynaha Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa qabtay shir jaraa'id oo uu kaga hadlay arrimo badan.

Madaxweynaha dowladda KMG ah ee Soomaaliya, Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa shirka jaraa’id oo uu ku qabtay magaalada Muqdisho uga hadlay arrimo ay ka mid yihiin mudaaharaadyadii ka dhacay Muqdisho ee lagu diiddanaa heshiiskii Kampala, faah faahin uu ka bixiyay heshiiskaasi, iyo dilkii loo geystay hoggaamiyihii al-Qaacida ee Geeska Afrika Fazul Cabdullah Maxamed.

Madaxweyne Shariif wuxuu ku eedeeyay dibadbaxyada ka dhacaya Muqdisho inay ka hurinayaan dad uu ku sheegay inay guryohooda lacago ku qaataan, kuwaasoo aan raali ka ahayn ayuu yiri guulaha iyo natiijooyinka la gaaray.

Madaxweyne Shariif ayaa ku hanjabay inay ka adkaan doonaan ciddii fowdo wax ku raadineysa.

XS
SM
MD
LG