Isku xirrada

War Deg-Deg ah

M/weyne Shariif oo ka Digay Been Abuurka


M/weyne Shariif oo ka Digay Been Abuurka
M/weyne Shariif oo ka Digay Been Abuurka

Madaxweyne Shariif ayaa sheegay in aan la cafin doonin kuwa waraaqaha been abuurka ah ee laga sameeyay dowladda.

Madaxweynaha dowladda KMG ah ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa shir jaraa'id oo uu maanta ku qabtay magaalada Muqdisho uu kaga hadlay waraaqo been abuur ah oo uu madaxweynuhu sheegay in laga sameeyay dowladda.

Madaxweyne Shariif wuxuu sheegay in waraaqaha laga sameeyay dowladda ay yihiin kuwo been abuur ah, ugana digay dadka ka dambeeya inaan la cafin doonin oo sharciga la horkeeni doono.

Dhowaan ayaa waxaa suuqa galay warqado qoraal ah oo wata saxiixa mas'uuliyiin dowladeed ayaa lagu sheegay in madaxweynuhu uu damacsan yahay inuu kala diro baarlamaanka hadda jira.

Dhanka kale, golaha xukuumadda KMG ah fadhi uu maanta yeeshay waxaa lagu ansixiyay taliyeyaal cusub oo ay yeelanayaan ciidanka xoogga iyo bileyska.

Shirka Golaha Wasiirada waxaa sidoo kale looga hadlay arrimo kale oo ay ka mid yihiin maamul goboleedyada.

XS
SM
MD
LG