Isku xirrada

War

Md. Shariif oo dhaliilay Beesha Caalamka


Md. Shariif oo dhaliilay Beesha Caalamka

Md. Shariif oo dhaliilay Beesha Caalamka

Madaxweynaha dowladda KMG ah ee Soomaaliya ayaa beesha caalamka si toos ugu cambaareeyay mushkiladda Soomaaliya.

Madaxweynaha dowladda KMG ah ee Soomaaliya ayaa beesha caalamka ku eedeeyay inay jahareeriyaan madax kasta oo Soomaaliya hogaamineysa.

Madaxweyne Shariif oo ka hadlay munaasadda 12-ka April ee maalinta ciidanka xoogga dalka Soomaaliya ayaa ku eedeeyay beesha caalamka inaanay daacad ka ahayn wax ka qabashada xaaladda Soomaaliya.

Wuxuu sheegay in aysan ixtiraamin madaxda Soomaalida, balse ay doonayaan in wax loo wado sidii ay iyagu doonaan.

Waa markii ugu horreysay ee uu madaxweynaha Soomaaliya si toos ah u cambaareeyo beesha caalamka oo ah taageerada ugu weyn ee dowladdiisa.

XS
SM
MD
LG