Isku xirrada

War

M/weyne Geelle oo Mar Saddexaad la Doortay

  • VOA Somali

M/weyne Geelle oo Mar Saddexaad la Doortay

M/weyne Geelle oo Mar Saddexaad la Doortay

Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle ayaa mar saddexaad ku guuleystay inuu hoggaamiyo dalka, ka dib codeyntii shalay.

Natiijooyinka doorashadii madaxtinimada ee shalay ka dhacday dalka Jabuuti ayaa sheegaya in madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle uu mar saddexaad ku guuleystay xilka madaxtinimada.

Qoraal ay soo saartay wasaaradda arrimaha gudaha ee dowladda Jabuuti waxay ku sheegtay natiijada codadkii la tiriyay in ay kala tahay 80.64% iyo 19.36%

Qoraalka wasaaradda arrimaha guduhu wuxuu sheegay in Madaxweyne Geelle uu ku guuleystay 80.64%, halka musharaxa madaxa bannaan Maxamed Warsame Raage uu helay 19.36%.

Natiijada uu ka helay codadka doorashada waxay madaxweyne Geelle uga dhigan tahay inuu aqlabiyad ballaaran ku guuleystay doorashadan uu ugu tartamay xilliga saddexaad.

Golaha Dastuuriga ah ayaa la filayaa in ugu dambeyn ay ku dhowaaqo sharci ahaanta natiijada doorashada.

Musharaxa Mr. Raage ayaa ku gacan seyray natiijadaasi.

Wareysi uu siiyay VOA-da ayuu wuxuu ku cawday dhowr arrimood oo kala ah in wakiiladiisa laga saaray goobaha codeynta iyo in saacad sharci darro ah lagu kordhiyay wakhtiga doorashada la soo xiri lahaa.

Hase yeeshee guddoomiyaha guddiga kormeerayaasha doorashada Casoowe Idiris Casoowe ayaa VOA u sheegay in doorashadu ay u dhacday si caddaalad iyo xor ah.

Saacadda lagu kordhiyeyna wuxuu tilmaamay inay ku timid baahi si dadku ay si nafis ah ugu codeeyaan.

Dowladda Jabuuti ayaa iyana ku gacan seyrtay eedeeyntaasi uga timid musharaxii la tartamayay Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle.

Wasiirka arrimaha dibadda ahna afhayeenkii ololaha doorashada madaxweyne Geelle, Maxamuud Cali Yuusuf ayaa wareysi siiyay VOA-da.

Halkan ka dhageyso wareysiga.

XS
SM
MD
LG