Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Mwai Kibaki oo Gaarisa Booqday


Madaxweynaha Kenya ayaa maanta booqday magaalada Gaarisa arrin la xiriirta dastuurka cusub ee Kenya ee dhawaan loo codeyn doono

Madaxweynaha Kenya iyo wafdi sare oo ka tirsan dawladda Kenya ayaa booqasho ku tagay magaalada Gaarisa ee Woqooyi-bari, Kenya.

Madaxweynaha ayaa boqolaal dad ah kula kulmay magaaladda Gaarisa. Madaxweynaha iyo waftigii la socday oo meesha ka hadlay ayaa dadka reer Woqooyi-bari ku booriyey inay dastuurka "Haa" ugu codeeyeen, isagoo madaxweynuhu sheegay inay dastuurkani uu horumar weyn u horseedi doono dadka reer Woqooyi-bari.

Madaxweynuhu, wuxuu sidoo kale balanqaaday in sadex degmo lagu dari doono gobolka waqooyi-bari Kenya.

Warbixinta ku saabsan safarka madaxweyne Kibaki ee magaalada Gaarisa, qeybta hoose ee qoraalka ka dhagayso.

XS
SM
MD
LG