Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Muzeveni: Sanad haloogu daro DKMG


Muzeveni: Sanad haloogu daro DKMG
Muzeveni: Sanad haloogu daro DKMG

Madaxweynaha Uganda ayaa shir kooxda ICG uga furmay Kampala ka sheegay in muddo sanad ah loo kordhiyo Dowladda KMG.

Kooxda Xiriirka Caalamiga ah ee ICG ayaa maanta shirkoodii 19-aad wuxuu uga furmay magaalada Kampala ee dalka Uganda.

Shirkan oo looga hadlayo arrimaha siyaasadda, amaanka iyo bini'aadamiga ee Somalia ayaa waxaa kaloo ka qeybgalaya qaar ka tirsan madaxda Soomaalida.

Weriyaha VOA Kampala, Xasan Max'uud Fanax ayaa sheegay in arrimaha ugu weyn ee miiska u saaran shirkan uu yahay sidii xal looga gaari lahaa khilaafka hadheeyay dowladda KMG ee Somalia ee ku saabsan waxa laga yeelayo markii uu dhamaado waqtiga kala guurka.

Madaxweynaha Uganda Yuweri Muzeveni oo shirkaasi furay ayaa soo jeediyay in muddo hal sano ah loogu daro dowladda KMG ee Somalia, si ay u dhameystirto howlaha ku aadan dib-u-soocelinta amniga Somalia.

XS
SM
MD
LG