Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Muwaadin Mareykan ah oo Al-shabab ku Biiri Rabay


Muwaadin Mareykan ah oo Al-shabab ku Biiri Rabay
Muwaadin Mareykan ah oo Al-shabab ku Biiri Rabay

Askari horey uga tirsanaa ciidamada Mareykanka ayaa lagu eedeeyay inuu isku dayayay inuu ku biiro kooxda mintidiinta alshabab ee Somaliya.

Waaxda Cadaaladda ee Mareykanka ayaa sheegtay isniintii shalay in Craig Baxam, uu si qarsoodi ah u qaatay diinta Islamka, wax yar ka hor inta uusan ciidamada ka tagin bishii July ee sanadii la soo dhaafay.

Warakan ka soo baxay Mareykanka ayaa lagu sheegay in ninkan oo 24-jir ah uu u duulay Kenya oo uu bixiyay lacag uu ugu safri lahaa Somaliya, halkaasoo la sheegayo inuu qorsheeynayay inuu ku biiro Al-shabab – oo uu ku noolaado meel shareecada Islamka lagu xukumayo.

Waxaa meel u dhow magaalada Mumbasa ku qabtay Booliska Kenya, inta uusan gudbin xadkada.

Baxam, oo qabay taba bar dhinaca sirdoonka ah oo uu ka qaatay ciidmada Mareykanka, ayaa waxa uu ka soo shaqeeyay Ciraq iyo Kuuriya, waxaana laga yaabaa inuu wajo ilaa iyo 15 sanadood oo xarig ah hadii dambiga lagu helo.

XS
SM
MD
LG