Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Muslimiinta iyo Doorashada Britain


Muslimiinta Britain ayaa loogu baaqay in ay si ka qayb qaataan doorashooyinka, kadib markii xisbiga ay afkaartiisu xag jirka tahay ee Xisbul Taxriir uu Jimcahii ku baaqay inaan laga qayb gelin doorashada.

Tan iyo markii uu ra’iisal wasaaraha Britain Gordon Brown uu horaantii todobaadkii tagay ku dhawaaqay in ay doorashooyinka guud ee dalkan Britain dhici doonaan bisha may ee inagu soo aadan lixdeedda, ayaa axsaabta siyaasadu waxaa ay wadeen ololahooda doorashada iyo hogaamiyayaasha axsaabta ugu waawayn ee siyaasaduna ay isaga dab qaadayeen wadanka oo dhan.

Axsaabta ayaa isku dayayay in ay barnaamijkooda siyaasadeed ay ka dhaadhaciyaan dadka codadkooda dhiiban doona.

Ololahan doorashada ayaa waxaa loo arkaa inuu noqon doono kii ugu adkaa ee muddo dheer soo mara dalkan Britain. Xisbiga haya talada ee Labourka ayaa soo bandhigay barnaamijkooda siyaasadeed ee ay ku galayaan ololaha doorashada.

Ra’iisal wasaare Gordon Brown oo isla markaasna ah hogaamiyaha xisbiga talada haya ee labourka ayaa sheeggay in ay xisbigiisu ay qorshe u hayaan mustaqablka Britain, waxaana uu ku balan qaaday inaanu kordhin doonin cashuuraadka oo ay samayna doonaan dib u habayn lagu cusboonaysiinayo Britain.

Xisbiga ugu wayn mucaaradka ee Muxaafidka ah ayaa iyaguna shaaca ka qaaday barnaamijkooda ay ku galayaan ololaha doorahsda,waxaanay dadka ugu balan qaadeen in ay kordhinayaan awoodda ay dadku leeyahiin ee ay go’aamada kaga gaadhaan waxyaabaha noloshooda saameeya oo ay isla markaasna dhimayaan awoodda ay dawlada ku leedahay arimahaasi.

Waxyaabaha ay ku balan qaadayaan xisbiga muxaafidka ahi ayaa waxaa ka mid ah in ay dadku samaysan karaan dugsiyadoodda waxbarashada oo ay xilkana ka qaadi karayaan mudanayaasha ay soo doortaan ee ay saluugaan oo iskana diidi karayaan haddii lagu kordhiyo cashuuraadka dawladaha hoose.

Muslimiinta Britain ayaa loogu baaqay in ay si buuxda uga qayb qaataan doorashooyinka ,kadib markii xisbiga ay afkaartiisu xag jirka tahay ee Xisbul Taxriir uu Jimcahii muslimiinta ugu baaqay inaanay ka qayb gelin doorashooyinka guud ee Britain, maadama waa sida ay hadalka u dhigeene ay xaaraam tahay in ay muslimiintu ay ka qayb galaan doorashooyinka siyaasada ee aan diinta ku salaysnayn ee dalkan britain.

Fikradaasi ayaa waxaa si wayn uga hor yimi muslimiin fara badan oo sheeggay inaanay sidaasi qabin inta badan dadka muslimiinta ah ee ku nool Britain.

Sheikh Abdilahi Osman Ismail oo ka mid ah cullimada somalida ee ku nool London, kana mid ah imaamada masaajidka Neasdeon ee ku yaalla waqooyiga galbeed ee magaalada London ayaa tilmaamay in ay arrintaasi tahay fikir qaldan.

Dhinaca kalena Sheikh Abdilahi Osman Ismail waxaa uu soomaalida ugu baaqay in ay iyagu waliba si wayn uga qayb qaataan doorashooyinka wadankan maadama sida uu sheeggay ay somalidu yihiin kuwa ugu baahi badan dadka muslimiinta ah.

La Xiriira

XS
SM
MD
LG