Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Museveni:Kenya xaq beey u leedahay isdifaac


Museveni:Kenya xaq beey u leedahay isdifaac
Museveni:Kenya xaq beey u leedahay isdifaac

Madaxweeynaha Uganda Yoweri Museveni ayaa markii ugu horeeysay ka hadlay howlgalka Milatary ee Kenya ee Somaliya

Madaxweynaha Uganda, Yuweri Museveni oo ay Soomaaliya ka joogaan ciidamadda ugu badan ee xooggaga Nabad-illaalinta Midowga Afrika AMISOM ayaa shalay markii ugu horeysay ka hadlay dagaalka ay ciidamada dalka Kenya kula jiraan kooxda Al-shabaab ee ka soconaya qaar ka mid ah deegaanada koonfurta Soomaaliya , wuxuuna Museveni sheegay iney Kenya xaq u leedahay iney is difaacdo, islamarkaana ay illaaliso ammaanka dadkeeda iyo dhulkeeda, kadib kulan uu Madaxweyne Museveni xarunta madaxtooyada dalkaasi kula qaatay wasiirka arrimaha dibedda eee dalka Kenya Musas Watangula.

Madaxweyne Museveni ayaa sidoo kale saxaafadda u sheegay in dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab aanu aheyn mid u gooni ah dalka Kenya, balse uu yahay mid ay ku wada jiraan dalalalka Gobalka oo dhan, isagoo ku tilmaamay kooxda Al-shabaab mid halis ku ah nabadda, ammaanka iyo horumarka gobalka.

Wasiirka arrimaha Dibedda Kenya oo madaxweynaha Uganda soo gaarsiiyay fariin uu uga siday dhigiisa Kenya ayaa dhinaciisa sheegay iney Kenya aad ugu faraxsan tahay sida ay dalalka beesha caalamku ugu taageereen dagaalka ay kula jiraan dagaalyahaniinta kooxda Al-shabaab.

XS
SM
MD
LG