Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Musaveni oo Booqasho Taariikhi ah ku Tegay Muqdisho


Musaveni oo Booqasho Taariikhi ah ku Tegay Muqdisho
Musaveni oo Booqasho Taariikhi ah ku Tegay Muqdisho

Waa markii ugu horreysay muddo 20 sano ah uu Soomaaliya booqasho ku tago madaxweyne ka tirsan dalalka Africa.

Madaxweynaha dalka Uganda Yuweri Musaveni ayaa booqasho taariikhi ah ku tegay magaalada Muqdisho ee xarunta dalka Soomaaliya. Booqashada madaxweyne waxay ka dhigan tahay madaxweynihii ugu horreeyay ee Afrika ka socda oo booqda Soomaaliya, muddo ku dhow 20 sano.

Mr. Musaveni waxa uu la kulmay madaxweyne Sheekh Shariif Sheekh Axmed, Guddoomiyaha baarlamaanka Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo ra'iisal wasaaraha xukuumadda Maxamed Cabdulaahi Farmaajo.

Musaveni ayaa ugu hambalyeeyay madaxda dowladda xalka ay ka gaareen murankii siyaasadeed ee ku dhex jiray iyo sida dhiirranaanta leh ee ay u ansixiyeen xukuumadda cusub.

Musaveni ayaa sidoo kale ballan qaaday in shacabka dalkiisa ay garab taagan yihiin dowladda Soomaalya sidii ay dalkeeda wax ugu qaban lahayd, Wuxuu kaloo ballan qaaday in dalkiisu uu soo dhammeystiri doono tirada ka harsan 8,000 ee askari ee Midowga Afrika horey ugu ballanqaaday hawlgalka nabad ilaalinta dalka Soomaaliya.

Soomaaliya waxaa ku sugan ciidamo nabad ilaalin ah oo kala yimid dalalka Uganda iyo Burundi kuwaasoo tiradoodu ay ka badan tahay 7,000. Tirada ugu badan ee ciidamada Nabad ilaalinta waxay ka yimaadeen dalka Uganda.

Madaxweynaha dowladda KMG ah ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa isagana u hambalyeeyay madaxweyne Yuweri Musaveni booqashada uu ku yimid Muqdisho.

Afhayeenka Ciidamada AMISOM ayaa VOA u sheegay in ujeedada booqashada Musaveni ee Soomaaliy ay tahay mid uu ku muujinayo midnimo iyo taageerada ay Uganda u hayso Soomaaliya.

XS
SM
MD
LG