Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Muranka Muddo Kordhinta Baarlamaanka


Muranka Muddo Kordhinta Baarlamaanka
Muranka Muddo Kordhinta Baarlamaanka

Guddiga dib u hishiisiinta Qaranka ee Somalia ayaa ka hadlay aragtidooda ku aadan go’aanka muddo kordhinta Baarlamaanka Somalia.

Guddoomiyaha guddiga dib u hishiisiinta Qaranka ee Somalia Ismaaciil Macalin Muuse oo shir Jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa ugu horeeyn ka hadlay mowqifkooda ku aadan go’aankii muddo kordhinta ee dhawaan kazoo baxay Barlamaanka Dowladda kmg Somalia.

Guddoomiyaha ayaa sidoo kale waxaa uu sheegay in muddo kordhintu ay tahay mid lagu deg degay isla markaana loo baahan yahay in dib loogu noqdo.

Guddiga dib u hishiisiinta Qaranka Ayaa ku taliyay in ay kulmaan oo go’aan ka qaataan dhamaan qeybaha kala duwan sida Barlamanka, Madaxweynaha,wax garadka iyo Hay’adaha dib u hishiisiinta ku shaqada leh isla markaana wax laysla og yahay meel ay isla dhigaan.

Ismaaciil Macalin Muuse oo ah guddoomiyaha dib u hishiisiinta ayaa ka hadlay arrin kale oo taaasi ka duwan waxaana uu tilmaamay dagaalada ka soconaya deegaanka Kalshaale isaga oo sheegay in guddigooda uu kula talinayo in ay wada hadlaan dhinacyada ku dagaalamaya deegaankaas

Hadalka Guddoomiyaha guddiga dib u heshiisinta Somalia ee ku aaddan Barlamaanka ayaa ku soo beegmaya iyada oo ay aragtiyo kala duwan ka soo baxayaan muddo kordhinta uu ku dhawaaqay Barlamaanka DFKMG.

XS
SM
MD
LG