Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Muranka Baarlamaanka oo Weli Taagan


Baarlamaanka Somalia
Baarlamaanka Somalia

Xildhibaano katirsan baarlamaanka DKMG ayaa sharci daro ku tilmaamay hadal uu gudoomiyaha baarlamaanka sheegay ee ahaa inuu dhawaan furmayo fadhiga baarlamanka.

Kulankan ayaa waxaa shir gudominayay Gudoomiye ku xigeenkii 2aad ee baarlamaanka ee dhawaan xilka iska casilay Cismaan Cilmi Boqore waxaana uu sheegay in haba yaraatee uusan Sheekh Aadan Madowe iclaamin kirin xilliga uu furmayo kalfadhiga baarlamaanka maadama uu waqtiga gudoonku xilli hore idlaaday islamaarkaana ay soconayaa kulamo ay leeyihiin guddi 16 xubnood ka kooban oo ay iska soo xuleen xildhibaanada kuwaas oo laga sugayo go’aanka baarlamaanka iyo goorta uu fariisanayo.



Xildhibaan Cumar Islow Maxed oo sidoo kale saxaafadda la hadlay marka uu soo idlaaday kulankooda ayaa sharcidaro ku tilmaamay hadlka Gudoomiyaha baarlamaanka ee ahaa in uu dhawaan furmi doono kalfadhiga,wuxuuna si toos ah ugu eedeyay faragelin uu sheegay inuu ku hayo madaxbanaanida guddiga yada labada dhinac ee talada looga fadhiyo.


Isjiid jiidka baarlamanka soomaaliya ayaan wali xal loo helin inkasta oo dadaalo ay wadeen Madaxda dowlada oo ay wehlisay dowlada jabuti iyada oo ay jirto in b labada dhinac ay u hogaansami waayeen qorshayaal iyo soo jeedina la doonayay in lagu soo afjaro khilaafkooda.

XS
SM
MD
LG