Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Muran ka Taagan Natiijada Doorashada Zambia


Taageerayaasha Mucaaradka
Taageerayaasha Mucaaradka

Madaxweynaha dalka Zambia ayaa dib loogu doortay doorasho aad la isugu dhowaa o mucaaradka ay sheegeen in lagu shubtay.

Guddiga doorashada ayaa sheegay in madaxweyne Edgar Lungu oo ka tirsan xisbiga talada dalka haya uu ku guuleystay in ka badan 50%, isaga oo ka adkaaday Hakainde Hichilema oo ka tirsan xisbiga UPND, oo helay 48% codadka.

Guddoomiyaha guddiga doorashada Esau Chulu ayaa sheegay in Lungu si caddaalad ah loo doortay.

Xubnaha xisbiga Hichilema ayaa tuhunsan in qiyaano ay ka dhacday doorashada waxayna sheegeen inay maxkamadda sare u gubdin doonaan codsi ka dhan ah natiijada doorashada.

Ku xigeenka afhayeenka xisbiga UPND Cornelius Mweetwa oo sidoo kale xildhibaanayaa sheegay “Waxa aan doorashadan ku aragnay ayaa ah boob iyo in rabitaaankii shacabka la xaday”.

XS
SM
MD
LG