Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Muran ka Taagan Ciidamada lagu Tababrayo Kenya


Muran ka Taagan Ciidamada lagu Tababrayo Kenya
Muran ka Taagan Ciidamada lagu Tababrayo Kenya

Waxaa cirka isku shareeraya muranka ka taagan degaanka ay ka hawlgeli doonaan ciidamo dawladda Soomaaliya loogu tababary dalka Kenya.

Tan iyo bishii October ee sanadkii tagay markii ay soo baxeen wararka sheegaya in ciidamo Soomaali ah lagu tababaryo gudaha dalka Kenya ayaa waxay dhalisay arrintaasi muran badan.

Ka sokow murnkaasi waxaa kale oo jiray mugdi ku jiray faahfaahinta ciidaankaasi iyo halka laga keenayo, sida ay tilmaamayeen xogo markaasi ay heshay idaacadda VOA waxaa jiray tuhun ah in ciidamada laga qoray xeryaha qaxootiga ee Kenya.

Xaqqiiqooyinka la xidhiidha wararkaasi ayaa tan markaas isaka soo daba dhacayay, waxaana ka hadlay siyaasiiyiinta labada dawladood iyo odayaal dhaqameed.

Si kasta oo ay ahaataba ciidankii waa la ururiyay waana la tababaray hase ahaate waxay arrini imika ka taagantahay halkay ka hawl galayaan ciidankaasi, muranka arrintaasi la xidhiidha ayaa u dhexeeya odayaasha iyo siyaasyiinta deegaanada ay ka soo jeedaan ciidamadaasi.

Xaamud Maxamed Xuseen waa guddoomiye ku xigeenka maamul dhawaan Kenya loogu sameeyay gobolada Jubbooyinka iyo Gedo, ayaa tilmaamayaa in ciidamadaasi laga soo ururiyay Gobolada Jubooyinka iyo Gedo ayna difaacayaan dhulkaasi.

Hase ahaate waxaa fikir kaasi ka duwan qaba Col Cabaas Maxamuud Caddow oo ka mid ah siyaasiyiinta gobolka oo isagu taageersan in ciidamadan loo qaado Muqdisho oo ay ku sugantahay DKMG halkaasina laga soo siiyo amarka iyo nidaamka ay ku shaqaynayaan.

Dagaalada iyo khilaafaadka ka jira Somalia ayaa badanaa loo aaneeyaa in ay salka ku hayaan is maandhaaf iyo is riixasho u dhaxaysa qabaa’ilka, sida uu qabo Col Cabbaas ciidamadan ayaa ah kuwa ka soo jeeda beel kaliya.

Laakiin guuddoomiye ku xigeenka maamulka Jubbooyinka iyo Gedo Xaamud Maxamed Xuseen ayaa arrintaasi aad uga soo horjeeda waxaana uu tilmaamayaa in ciidankan loo dhanyahay hawsha u taallaana ay tahay in ay xoreeyaan deegaanka ay ku noolyihiin.

Ma jiro ilaa imika war rasmi ah oo ka soo baxaya wasaaradda gaashaandhiga iyo talsika ciidamada Somalia iyo xukuumadda DKMG ah toona oo ku saabsan ciidankan iyo muranka la xidhiidha.

Dawladda maraykanka ayaa iyadu walaac ka muujisay saamaynta ay yeelan karto ciidamada laga qorayo xeryaha qaxootiga ee Kenya.

Lamana garan karo waxa uu ku dambayn doono murankan iyo sida loo xallin doono, waxaana sidoo kale ay adagtahay in la saadaaliyo guurta iyo sida meesha ay ciidankan ka hawlgali doonaan.

XS
SM
MD
LG