Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Muqdisho: Xaaladda Goobaha Dagaalka


Muqdisho: Xaaladda Goobaha Dagaalka
Muqdisho: Xaaladda Goobaha Dagaalka

Xaaladda goobihii shalay ay ku dagaalameen ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM oo isla jira iyo kooxda al-Shabaab, ayaa maanta deggan.

Xasilooni ayaa maanta ka jirta goobihii ay shalay ku dagaalameen ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM oo wada socda iyo kuwa al-Shabaab.

Dagaalkii shalay ka dhacay magaalada Muqdisho waxaa lagu soo warramayaa in dhimashadu ay gaartay 12, dhaawacunu uu intaa ka badan yahay.

Ciidanka dowladda ayaa la sheegay inay la wareegeen goobo ay horey u haysteen kooxda al-Shabaab. Hase yeeshee afhayeen u hadlay kooxda al-Shabaab ayaa sheegay inay guulo ka gaareen dagaalkaasi, iyagoo sheegay inay gubeen taangi ay wateen ciidamada AMISOM.

AMISOM weli wax war ah kama soo saarin dagaalkaasi ay shalay qeybta ka ahayd.

XS
SM
MD
LG