Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Muqdisho: Weerar Lagu Dhaawacay 9 Qof


Muqdisho
Muqdisho

Wararka ka imanaya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in sideed qof oo shacab ah ay ku dhaawacmeen weerar loo adeegsaday bam gacmeed oo ka dhacaySuuqa Weyn ee degamada Wadajir.

Bam Gacmeedkan ayaa loola dam lahaa gaari marayay suuqa dhexdiisa xilli suuqa uu ahaa mid aad u mashquul badan oo dadka ay wax ka iibsanaya si ay ugu diyaar garoobaan ciidul fitriga ay buux dhaafiyeen.

Kooxdii bambka tuurtay ayaa durbadiiba ka carartay goobta ay weerarka ka gaysteen. Maamulka degmada Wadajir ayaa sheegay inay ku raad joogaan.

Wariyeheenna Cabdulqaadir Maxamed Cabdulle ayaa warbixintan kasoo diray magaalada Muqdisho.

Weerar ka dhacay Muqdisho
please wait

No media source currently available

0:00 0:01:45 0:00

XS
SM
MD
LG