Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Muqdisho: Todoba ayaa Dhimatay 30 kalena waa Dhaawac


Muqdisho: Todoba ayaa Dhimatay 30 kalena waa Dhaawac
Muqdisho: Todoba ayaa Dhimatay 30 kalena waa Dhaawac

Magaalada Muqdsiho waxaa ka dhacay iska horimaad iyo madaafiic ay isweydaarsdeen ciidamada dowladda iyo Amisom iyo kuwa mucaaradka.

Ugu 7 qof ayaa inta la ogyahay ku dhimatay, inka badan 30 kalena waa ay ku dhaawacmeen iska horimaad iyo madaafiic maanta laysku weydaarsaday magaalada Muqdisho.

Madaxa gaadiidka gurmadka deg degga ee magaalada Muqdisho Cali Muuse Sheekh ayaa VOA-da u sheegay in dadka ku waxyeelloobay madaafiicda ay dhammaantood ahaayeen dad rayid ah.

Iska horimaadka ayaa bilowday ka dib markii kooxaha mucaaradka ay weerareen fariisimo ay ku sugan yihiin ciidamada dowladda iyo kuwa nabad ilaalinta ee AMISOM.

XS
SM
MD
LG