Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Muqdisho: Shirkii oo lasoo Gabagabeeyey


Muqdisho: Shirkii oo lasoo Gabagabeeyey
Muqdisho: Shirkii oo lasoo Gabagabeeyey

Shirkii wadatashiga ee muddada saddexda cisho ah ka socday magaalada Muqdisho ayaa maanta la soo gaba-gabeeyay.

Ergooyinka shirkan ka qeybgalay ayaa ka dooday afar qodob oo kala ah, ammaanka, dib-u-heshiisiinta, dastuurka iyo maamul-wanaaga.

Dhinacyada waxay ku heshiisyeen qodobo ay ka mid yihiin;

soo afjarida xilliga KMG, nabadeynta dalka, qabashada doorashooyin bisha August 2012, diyaarinta iyo habeynta dastuurka, dhimista tirada baarlamaanka KMG ee Somalia.

Madaxweynaha Soomaaliya, Sheekh Shariif ayaa gunnaanadkii shirkaasi ka sheegay in dowladdiisu ay dhinaceeda fulin doonta go'aamada ka soo baxay shirkan.

Agustine Mahiga, ergayga gaarka ah ee QM ayaa sheegay in DKMG looga fadhiyo sidii ay hormuud uga noqon lahayd fulinta go'aamadan lagu heshiiyay isagoo dhanka kalena xusay in hirgalinta heshiiskan si dhow loola socon doono.

XS
SM
MD
LG