Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Muqdisho: Shirar iska soo Horjeeda


Muqdisho: Shirar iska soo Horjeeda
Muqdisho: Shirar iska soo Horjeeda

Shirarka waxaa kala yeeshay xildhibaano kala mowqif duwan, kuwaasoo si iska soo horjeedda u hadlay.

Xildhibaano kala aragti duwan ayaa maanta shir ku yeeshay magaalada Muqdisho, kuwaasoo qaarkood oggol in wakhtiga doorashada dib loo dhigo, halka qaarka kalena ay diidan yihiin
Cabdulqaadir maxamed Nuunow ayaa warbixintan isku soo duway.

Xildhibaan Ciise Weheliye Maalin oo ka mid ah xildhibaanada diiddan in dib loo dhigo doorashada oo iyagu shirkoodu ka dhacay Hotel Saxafi ee magaalada Muqdisho ayaa sheegay inaysan dastuuri ahayn in xil loo kordhiyo xukuumad, wuxuuna ku adkeystay in doorashada xiligeeda la qaban doono ayna ka dhici doonto magaalada Muqdisho.

Xildhibaan Muuse Suudi Yalaxow oo isagana ku fikir ah xildhibaanada diiidan in dowladda muddo kordhin loo sameeyo ayaa shirka ka sheegay in aanay jirin wax qabad lagu qiimeeyo xukuumadda oo wakhtiga loogu kordhiyo.

Xildhibaan Cali Jeyte ayaa sheegay in beesha caalamka ay ogeysiinayaan in madaxweyne Sheekh Shariif Sheekh Axmed uusan xitaa beel ahaan matalin. Isagoona ugu baaqay dowladaha deriska la ah Soomaaliya inay faragelinta ka daayaan Soomaaliya sida uu hadalka u dhigay.

Kulankan ka dhacay Hotel Saxafi ee ay ka qeybgaleen xildhibaanada ka soo jeeda beelaha dega gobolka Banaadir ayaa waxaa ka dhex muuqday rag xilal ka soo qabtay dowladihii hore ee KMG ah.
waxaana raggaasi ka mid ah Mustaf Dhuxulo, Cabdi Xasan Cawaale (Qeybdiid), Cabdiraxmaan Cabdishakuur, Maxamed Maxamuud Guuleed (Gacmadheere) iyo Sheekh Yuusuf Maxamed Siyaad Indhacadde oo isagu uusan ahayn xildhibaan balse uga qeybgalay shirka beel ahaan.

Dhinaca kale xildhibaano taageersan go’aanka xukuumadda ka soo baxay ee ahaa in dib loo dhigo doorashada ilaa muddo sanad ah ayaa iyaguna ku shiray Hotel Nasahablood2 ee magaalada Muqdisho.

Xildhibaan Xuseen Carraale Caddaan oo ka mid ah xildhibaano doonaya in wakhtiga loo kordhiyo dowladda hadda dhisan ayaa VOA-da u sheegay in kulankii ay maanta yeesheen ay ku taageereen xukuumadda. Wuxuuna sheegay inay aqbaleen muddo kordhinta.

Si kastaba ha ahaatee, todobaadyada soo socda ayaa la ogaan doono halka uu ku dambeeyn doono.

XS
SM
MD
LG