Isku xirrada

War Deg-Deg ah

M/Afrika Oo Ciidamo U Diraya Dalka Burundi


Dalka Burundi ayaa waxaa ka socda rabshado.
Dalka Burundi ayaa waxaa ka socda rabshado.

Go’aanka Midowga Afrika ee shan kun askari loogu dirayo Burundi, ayaa waxa uu u baahan yahay in golaha ammaanka ee QM ay ansixiyaan.

Golaha amaanka ee Midowga Afrika, aya asoo jeediyay in ciidamo shan kun gaaraya oo nabad ilaalin ah loo diro dalka Burundi, tallaabadaas oo noqoneysa markii ugu horeysay ee goluhu ku fakaro in uu ciidamo u diro dal aanay dowladdiisu heshiiskaasi gaarin, sida ay sheegeen siyaasiyiin.

Burundi, oo ay Q.M. sheegeyso inay qarka u saaran tahay dagaal sokeeye, ayaa tilmaamtay inaanay jirin baahi loo qabo howl gal nabad ilaalineed.
Mar wax laga weydiiyay soo jeedintii ugu dambeysay, ayuu wasiir ka mid ah dowladda waxa uu sheegay inuu fahansan yahay in uu jiro arrin qabyo ah oo uusan laakiin dooneyn in uu hadda ka hadlo.

Go’aanka midowga Afrika, ayaa waxa uu u baahan yahay in golaha ammaanka ee Q. M. ay ansixiyaan, taas oo laf ahaanteenda ka fakareysay qaabab lagu xallin karo qalalaasaha Burundi oo ay ku jirto in ciidamo nabad ilaalin ah loo diro dalkaasi.

Diblumaasi ka tirsan dalalka ka midka ah golaha ammaanka ee Midowga Afrika, ayaa wakaaladda wararka ee Reuters u sheegay inay go’aamiyeen inay u diraan ciidamo shankun gaaraya waddanka Burundi, kuwaas oo howshooda noqon doonta ilaalinta shacabka.

Madax ka tirsan Q.M. iyo dalalka reer galbeedka, ayaa muujiyay walaacooda ku aaddan dhibaatada ka dillaacday dalka Burundi, kaas oo dagaallo sokeeye oo ku saleysana qabiilka ay ka dhammaadeen waddankaasi, kadib 12 sano oo ay dagaalladasi socdeen.

Q.M. ayaa sheegtay in ugu yaraan afar boqol oo qof la dilay tan iyo bishii April, kadib markii ay rabshado ka dhaceen waddankaasi, kuwaas oo ka dhashay kad ib marki imadaxweyne Pierre Nkurunziza uu ka dhawaajiyay in uu xilka madaxtinnimada dalkaasi uutartamayo markisiii seddxaad.

Qalalaasahan, ayaa waxa uu baqdin ku abuuray gobol xaalad jilicsan ku taagnaa muddo labaatan sano , kadib xasuuqii Rwanda, oo deris la ah Burundi. Fowdada ayaa badankede ka dhaceysay caasimadda Bujumbura, halkaas oo kooxo hubeysan ku weerareen saldhigyo Militeri Jimcihii, waxana weerarkaasi ku dhintay kudhawaad sagaashan qof.

Diblumaasiyiin ayaa ka baqaya in isku dhacyada sii dheeraanaya ee Burudini ay dib u soo celiso isku dhacyadii hore qabiilka ku saleysanaa ee waddankaasi.

Diblumaasi ayaa sheegay in qaraarkan midowga Afrika uu asteynayo markii ugu horeysay ee M.A ay go’aansadeen inay ka dhawaajiyaan qodobka afaraad ee dastuurkooda.

Qodobkaasi, ayaa dhigaya in M.A ay xaq u leeyihiin inay faragaliyaan dal ka mid ah dalalka xubnaha ka ah ururka, marka ay xaalado daran jiraan, sida dambi dagaal, xasuuq iyo dambi ka dhan ah bini aadannimada.

Diblumaasiyiin, ayaa sheegay in ciidamda heyganka ah ee dalalka Bariga Afrika ay qeyb ka noqon doonaan howlgalkan ee M.A ay ugu tala gashay Burundi, si ay u ilaaliyaan shacabka ayna u abuuraan jawi lagu wada hadli karo.

Golaha amaanka ee M.A ayaa ka dalbaday guddoomiyaha guddiga Nkosazana Dlamini-Zuma,inay muddo toddobaad ah ku soo gudbiso liis ay ku qoran yihiin shaqsiyaad ay tahay in la saaro cuna qabateyn.

Mdaxtooyada Burundi, ayaa Khamiistii sheegtay inay u furan yihiin wada hadallo loo dhan yahay, hasa yeeshee mucaaradka ayaa arrintaaasi hore u qaaddacay, waxayna sheegeen in dowladdu aaney ogoleyn in laga wada xaajoodo waxyaabaha qaar, sida xilliga cusub ee madaxweynaha.

XS
SM
MD
LG