Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Muqdisho: Qarax, madaafiic iyo Dagaallo


Muqdisho: Qarax, madaafiic iyo Dagaallo
Muqdisho: Qarax, madaafiic iyo Dagaallo

Maxamed Dheere ayaa ka bad-baaday qarax, dhanka kale madaafiic iyo dagaallo dhacay ayaa waxaa ku dhintay 5 qof.

Ugu yaraan hal qof ayaa ku dhintay inta la ogyahay 3 kalena waa ay ku dhaawacantay kadib markii maanta duhurkii qarax miino lagu weeraray gudoomiyihii hore ee gobolka Banaadir Maxamed Cumar Xabeeb (Maxamed Dheere). Maxamed Dheere ayaa ka badbaaday qaraxaasi miinada oo qabsaday gaari ay la socdeen ilaaladiisa.

Maxamed Cumar Maxamed Dheere, ayaa ka bad-baaday qarax lala beegsaday. qaraxaasi waxaa ku dhintay hal qof, 3-kalena way ku dhaawacantay.

Dhanka kalena ugu yaraan 4 qof oo rayid ah ayaa ku dhimatay, 16-kalana way ku dhaawacmeen dagaallo iyo madaafiic ka dhacay qaybo ka mida magaalada Muqdisho.

Dagaallada maanta dhacay ayaa xooggooda uu ka dhacay deegaanka Taleex oo katirsan degmada Hodan.

Sidoo kale waxaa xilligan laga maqlayaa goobo ka tirsan Muqdisho dhawaqa madaafiic iyo risaasta ay isdhafsanayaan Dhinacyada iska soohorjeeda .

Dhinaca kale waxaa maanta dab khasaare hantiyadeed geestay uu qabsaday bakhaaro ku yaal degaanka Xarar-yaale oo katirsan degmada Wardhiglay waxaana uu dabkaas uu baabi’iyay hanti ku jirtay bakhaarada.

XS
SM
MD
LG