Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Muqdisho: Qarax lala Beegsaday Askarta Dawladda


Muqdisho: Qarax lala Beegsaday Askarta Dawladda
Muqdisho: Qarax lala Beegsaday Askarta Dawladda

Saddex askari oo ka tirsan ciidamada dawladda ayaa ku dhimatay siddeed kalena way ku dhaawacmay qarax la aamisan yahay in meel fog laga hagayey.

Qaraxan ayaa fiidkii caawa oo Jimce ah lagula beegsaday agagaarka isgoyska Maanabooliyo ee degmada Shibbis.

Ciidankaasi dawladda ee qaraxa lala beegsaday ayaa la sheegay inay wateen gaari Toyota nooca loo yaqaan tigniko xili uu marayay meel ku dhaw agagaarka isgoyska Maanabooliyo ee magaalada Muqdisho.

Goob jooge ku sugnaa halka qaraxa ka dhacay ayaa VOA u sheegay in uu arkay dhimashada iyo dhaawaca soo gaaray ciidamada dowlada iyo bur-bur ku dhacay gaariga miinada ay lakacday.

Qaar kamida ciidama ayaa la sheegay in dhawacooda uu halisyay waxaana loo qaaday cisbitalka Madiina si loola tacaalo xaaladoo caafimaad .

XS
SM
MD
LG