Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Muqdisho oo Yara Xasiloon


Muqdisho oo Yara Xasiloon
Muqdisho oo Yara Xasiloon

Degenaansho aan caga badan ku taagneyn ayaa laga dareemayaa degaanada Waqooyi Bari ee Muqdisho ka dib dagaalo laba maalin socday

Xaaladda Magaalada Muqdisho ayaa maanta ka yara xasilooneey sidii ay aheyd 24kii saac ee la soo dhaafay. Ciidamada DKMG ah iyo Xoogagga Nabad Ilaalinta ee Midowga Africa ee kaabay ayaa weli ku sugan degaanada waqooyin bari Muqdisho oo ay kala wareegeen ciidamadii Kooxda Alshabab.

Dhinaca kale waxaa go’an wadada Muqdisho ka baxda ee aada gobolada Koonfureed Ee Somalia, ka dib markii Kooxda Al-shabab ay laamiga dhexdiisa ka qoteen goadad dhufeeysyo ah meel u dhow KM 13.

Dhibaatada dagaaladii ugu dambeeyay ayaa waxeey gaartay dadka ku nool xaafadda Suuqa Xoolaha iyo agagaarkeeda halkaaso ay dadkii degenaa guryahooda ku go’doomeen.

Dr. C/qaadir C/raxmaan Aden oo ka tirsan Adeegga Ambulasyada ee Muqdisho ee Aamin Voluntary yaa sheegay in saakay dhaawaca sideed qof oo rayid ah oo ku go’doomay guryahooda ay ka soo qaadeen degaanada Waqooyi ee magaalada

Dhinaca kale Professor Afyare Cabdi Cilmi oo wax ka dhiga Jaamacadda Qadar ayaan wax ka weeydiinay dagaaladii ugu dambeeyay waxa ay uga dhigantahay awoodda kooxda Alshabab.

Sheekooyin oo dhan ka dhageeyso halkan hoose

XS
SM
MD
LG