Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Muqdisho oo Niqaab lagu Gubay


Ciidamada DKMG iyo kuwa ururka Ahlu Sunna Wal Jameeca ayaa maanta bilaabay in ay indha shareerka ka dhigaan haweenka xijaaban ee ay ka shakiyaan.

Ciidamadan ayaa ku sugnaa Isgoyska Dabka ee magaalada Muqdisho waxaana ay hawshan la beegsanayeen dumarka ay ka shikiyaan ee ku socda dhinaca suuqa Bakaaraha.

Dirawalada gaadiidka dadweynaha ee BL-ka ee ka howl gala wadada isku xirta suuqa bakaaraha ilaa isgoyska dabka ayaa VOA u xaqiijiyay in maanta gaadiidka BL-ka ah lagu joojinayay bar kontorol oo ku taala wadadaasi kadibna gaadiidka laga soo dajinayay dumarka watta indha shareerka iyadoo halkaasina su'aalo lagu waydiinayay, waxana jirta in dumarka ka madax adayga awaamiirta ciidamada in qaarkood indha shareerka laga qaadayay, lagana gubay

Mid ka mid ah haweenka saarnaa baabuurta la joojiyay ee indha shareeka laga qaaday ayaa VOA-da uga warrantay sida ay wax u dhaceen, iyada oo sheegtay in horteeda lagu gubay niqaabkii ay siteen dumarka qaar.

Sidoo kale ciidamada ururka Al Shabaab ee ku sugan isgoyska Bakaaraha ayaa la sheegay in iyaguna ay maanta muujinayeen feejignaan dheeri ah, waxana dhinacooda ay is taajinayeen gaadiidka BL-ka marka uu soo gaaro isgoyska ay ku sugan yihiin ee Bakaaraha, waxana dadka ay waydiinayeen su'aalo iyo xog waraysi faro badan iyagoo cidii ay ka shakiyaana kala dagayay gaadiidka BL-ka ee uu saaran yahay.

Haweenka ayaa ka cabanaya in ay dhibaato ka haysato arrintan oo soo nqonoqtay iyada oo dhinaca kale ay kooxaha ka soo horjeeda dawladdu gaar ahaan al shabaab ay ku amaryaan in dhulka ay ka taliyaan ay dumarku xidhaan niqaabka.

Hase ahaate ciidanka boolsika ee dawladda ayaa gabi ahaanba beeniyay in ay arrintasai maanta dhacday sida uu VOAda uu u sheegay taliyaha qaybta guud ee ciidanka boolsika ee gobolka banaadir Col Ahmed Xasan Maalin, isaga oo sheegay inaanu jirinba hawlgal ay wada fuliyeen iyaga ahliu sunna

Waxaa noo suurtagali weyday inaanu la xidhiino mas’uuliyiinta ahlu sunna wal jamaaca.

Cullimada Soomaaliyeed ayaa qaarkood qaba in aanay waqtigan la joogo muhiim ahayn in lagu daallo arrimaha niqaabka haweenka oo ay jiraan arrimo kale oo mudnaanta leh sida uu qabo Sh Cabdiraxmaan Shariif oo ka mid ah culimada soomaaliyeed kuna sugan dalka Maraykanka

Falalkan la xiriira hakinta gaadiidka dadweynaha iyo baaritaanada lagu samaynayo ayaa waxaa qaylo dhaan ka muujiyay qaar ka mid ah dadka rakaabka ah ee isaga kala goosha suuqa bakaaraha iyo magaalada inteeda kale, iyadoo cabashada ugu badana ay ka imanayso haweenka laga xayuubiyay indha shareerka. waana cabasho marar badan soo nqonoqatay.


La Xiriira

XS
SM
MD
LG