Isku xirrada

War

Muqdisho: Madaafiic Dishay Dad Rayid ah

  • VOA Somali

Muqdisho: Madaafiic Dishay Dad Rayid ah

Muqdisho: Madaafiic Dishay Dad Rayid ah

Ugu yaraan saddex qof oo rayid ah ayaa dhintay, 13 kalena waa ay ku dhaawacmeen, madaafiic maanta laysku weydaarsaday Muqdisho.

Ugu yaraan saddex qof oo rayid ah ayaa ku dhimatay, 13 kalena way ku dhaawacmeen dagaal maanta ka dhacay xaafado ka tirsan degmada Hodan ee magaalada Muqdisho.

Madaxa gaadiidka gurmadka deg degga, Cali Muuse Sheekh ayaa VOA u sheegay in dhimashada iyo dhaawaca ay dhammaantood yihiin rayid ku dhaawacmay madaafiic kula dhacday xaafadihii ay deganaayeen.

Dagaalka oo xooggiisu wuxuu ka dhacay deegaanka al-Baraka ee degmada Hodan, halkaasoo ay iska hor yimaadeen ciidamo ka tirsan dowladda oo garab ka haysta kuwa AMISOM iyo xoogagga al-Shabaab.

Dhinacyda dagaallamaya midkoodna kama uusan hadlin khasaaraha soo gaaray.
Xaaladda dagaalka ayaa hadda ka xasiloon sidii hore, inkastoo la maqlayo madaafiic iyo rasaas goos goos ah oo ay labada dhinac isku ridayaan.

XS
SM
MD
LG