Ugu yaraan saddex ruux ayaa dhimatay, kuwo kalena waa ay ku dhaawacmeen duqeyn iyo dagaal dhexmaray ciidamada DKMG ah oo garab ka helayay AMISOM iyo kooxda al-Shabaab.
Dagaalada waxay ka dhaceen degmooyinka Hodan iyo Hawl-Wadaag, ka dib markii kooxda al-Shabaab ay weerar ku qaaday fariisimo ay ciidamada dowladda ka joogeen degmooyinkaasi.
Dadka rayidka ah ayaa la sheegay inay ku dhinteen madaafiic ay guryohooda kula habsatay.